Doorashada ay dadku codkooda ku dhiibanayaan oo ay ku dooranayaan madaxdooda ku meteleysa masiirkooda siyaasadeed ayaa ah adeeg dadweyne oo waajib lagama maarmaana dowladda uga dhigaya iney gudato xilka ka saran in adeegaas dadweynaha ay dowladda ku fuliso lacag la’aan, waxeyna taas ka turjumeysaa xaqa ay dadku u leeyihiin iney codeeyaan ama loo codeeyo qidmad la’aan lacageed, waxeyna sidaasi ay tahay mid tilmaameysa aasaaska ay ku tiirsan tahay qawaaniinta dimoqaradiyada iyo xoriyada xaqa ah oo ay dadku ku dhisanayaan dowlad rayida oo ay shacabku soo doortaan oo rabitaanka adeegyadooda aasaasiga ah ugu adeegeysa qidmo la’aan lacageed.
Waxaa dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in doorashada ka hor, marka hore ay dhamaan dalka oo dhan ay geyso xaafiisyada laga bixiyo adeega kaararka aqoonsiga qaranka ama ay ogolaato kuwo laga bixiyo maamul goboleedyada, taas oo dhamaan wadaniyiinta fursad u siineysa iney helaan aqoonsiga u suurto gelinaya iney codbixintooda isugu diiwaan geliyaan dhibaato la’aan, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa inaan loo baahan in la sameeyo kaar u gaara codbixinta oo lala sugo wakhtiga doorashada, wuxuuna kaarka aqoonsiga dowladda uu noqonayaa kan saldhiga u ah aqoonsiga ay isku diiwaan geliyaan codbixiyeyaashu ama ay ku gelaan goobaha codbixinta, habdhaqankaasna wuxuu raacsan yahay midka loo adeegsado doorashooyinka ka dhaca caalamka intiisa badan.
Caalamka doorashooyinka ka dhaca oo ay ku tartamaan xisbiyada siyaasadeed, inta badan codadka dadweynaha waxaa ku guuleysta labo xisbi, kuwa kalana intooda badan waxey helaan wax ka yar 5%, sidaas daradeed ayaa waxaa haboon in dalku yeesho laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn oo joogto ah, haddii aysan taas suurtogal ahayna waxaa wajiib ah in mar kasta oo la gelayo doorasho guud in marka hore dhamaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka diiwaan gashan in lagu kala reebo tartan ay uga wada qeyb gelayaan doorasho u gaara oo ay ku wada tartamayaan, markaas kadibna saddexda xisbi oo ugu codadka badan ay ku soo baxayaan iney noqdaan xisbiyada qaranka oo mudo xileedkoodu ku siman yahay bilowga doorashad xigta.
Hindisaha Xeerka Doorashooyinka ayaa wuxuu soo jeedinayaa in xisbiyada qaran ay jirayaan mudo 10 sano ah, taas oo ah iney keligood ka qeyb gelayaan doorashooyinka dhacaya laba jeer oo is xiga, waxeyna tilaabadaas ay xaqdaro ku tahay xisbiyada siyaasadeed oo tartankii hore ku haray, iskuna diyaarinaya iney ka qeyb galaan doorashooyinka xiga, waxaana cad in shan sano ka dib ay dadku xaq u leeyihiin iney bedelaan mowqifkooda siyaasadeed, sidaasna ay codkooda ku siiyaan xisbiyo cusub, kadib marka ay ku soo hungoobaan waxtarka aragtida xisbiyadii hore, waxeyna taas ay xaqiijineysa metelaada dhabta ah iyo xoriyadda tartanka xisbiyada oo meesha ka saareysa xisbiyo gaara iney doorashooyinka maanaboolyo ku haystaan wakhti dheer.
Caalamka doorashooyinka ay galaan xisbiyada, marka laga reebo kuwa madaxweyneyaasha iyo kuwa aqalka sare, waxey intooda badan dhacaan 2dii sanaba hal mar, taas oo fursad loogu siinayo shacabka iney mudo gaaban kula xisaabtamaan waxtarka xisbiyadooda iyo madaxda ay doorteen, tilaabadaas oo ay ka dhalaneyso ciqaab iyo abaal marin, waxeyna tilabadaas ay tusaale u tahay ineysan maanaboolyo cidina aysan ku haysan karin wakhti dheer rabitaanka shacabka oo sharci u haysta iney helaan fursad ay ku kala xushaan metalaadooda cabireysa masiirkooda wakhtiga doorashada, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa fadhiidka siyaasadeed inuu sii socodo oo ay xaaladahii horay u jirey oo aan lahayn isbedel waxtar leh ay si joogto ah u sii jiraan.
Hindisaha Xeerka Doorashooyinka ayaa wuxuu si gaara u bartilmaameysanayaa shaqaalaha dowladda, xeerkaas oo sheegaya ineysan qeyb ka noqon karin taageerada ay ku muujin karaan cabiraada fikirkooda ay ku garab siinayaan ololaha doorashooyinka xisbiyada ay ka tirsan yihiin iyo musharixiinta ay taageersan yihiin, wuxuuna xeerkaas mamnuucayaa ka qeybgalkooda ololaha doorashooyinka, iyagoo xitaa aan qeyb ka ahayn hawlwadeenada maamulaya doorashooyinka, waxeyna tilaabadaas ay xadgudub ku tahay wadaniyiintaas lagu bartilmaameystay oo keliya iney shaqaale dowladeed yihiin, waxaana soo baxday ineysan is qaban karin in iyagana arritaas loo diiddo, haddana ay meesha taalo in madaxda sare ee dowladda ay yihiin musharixiin ku qasban iney ka qeyb galaan ololaha doorashooyinkooda.
Caalamka doorashooyinka ka dhaca waxey leeyihiin taariikh mudeysan oo aan la dhaafi karin, balse Hindisaha Xeerka doorashooyinka wuxuu ka gaabiyey inuu cadeeyo in mudo cayiman oo joogto ah ay yeeshaan doorashooyinka ka dhacaya dalka, taas oo ahayd iney si cad ugu qoran tahay dastuurka dalka u degsan, waxeyna taas maqnaashaheeda loo sababeynayaa iney suurtogal tahay in madaxda sare ee dowladda ay damacsan yihiin mudo kororsi aan xadidneyn iyo iney dhici karto in doorashada dib loo dhigi karo mudo qaadan karta wakhti dheer, waxeyna taas maqnaashaheeda ay xeerkaas ka dhigeysaa mid horseedaya doorashooyin beenabuura oo la sii diyaariyey xisbiga xukuumada iyo liiska musharixiinta ku soo gudbaya doorashooyinkaas.
Xeerkaas wuxuu mugdi geliyey madaxbanaanida Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, kadib markii ay cadaatay in dikereeto madaxweyne lagu ansixinayo qabsoomida doorashooyinka oo ay ka mid tahay dhamaystirka diwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo ka dhigeysa guddiga mid aan ka madaxbanaaneyn dowladda, haddana isla markaas macluumaadka codbixiyeyaasha la wadaagaya madaxda sare ee dowladda oo ka mida musharixiinta ka qeyb gelaysa doorashada, waxeyna taas cadeyneysaa tuhunka ay dadweynuhu ka qabaan wadashaqeynta ka dhexeysa gudiga iyo dowladda oo ka dhigeysa in doorashadu ay noqto mid lagu shubto.
Xeerkaas ay sidoo kale wadaniyiinta Soomaaliyeed u kala qeybiyey kuwo hal jinsiyad leh oo ah Soomaali dhab ah iyo kuwo laba jinsiyadood leh oo Soomaalinimadoodu dhiman tahay, kuwaas oo kala ah gudo joog iyo dibed joogo, wuxuuna xeerku taageeray xaqa wadaniyadeed ee gudo jooga, meesha xuquuqda wadaniyiinta dibed jooga la gaasiray oo laga reebay ineysan u tartami karin xilka madaxweynaha, kuwaas oo Soomaalinimadooda awgeed dhibaatooyin badan kala soo kulmay wadamada shisheeyaha oo ay ku noolaayeen amaba ay ku nool yihiin, waxaana dastuurka si cad ugu qoran in muwaadiniinta Soomaaliyeed oo gaaraya tiro ka badan 2 milyan oo amnixumada dalka ka dhacday awgeed ay kaliftay iney sanooyin badan ay dalka dibediisa ku noolaadaan, ay xuquuq wadaninimo oo dhameystiran ay dalkooda ku leeyihiin, balse nasiibdaradu waxey tahay madax qaran oo salka kula jira urur diimeedyo oo xifaaltan siyaasadeed awgeed dagaal ugula jira wadaniyiinta jooga dibeda oo wadamada shisheeyaha aqoontooda ku soo qaatay, kuwaas oo ay uga cabsanayaan iney xilalkooda kula tartamaan, ayaa dhalisay in madaxdaas ay dowladda hayadaheeda ka dhigtaan aalad ay kula dagaalamaan musharixiinta dibed jooga ah oo ay u cuskadaan xeerar dowladeed oo ay qiil ahaan isaga reebaan kuwaas iyo weliba sidoo kale wadaniyiinta Soomaaliyeed oo ku hoos nool wadamada deriska la ah Soomaaliya, kuwaas oo haysta jinsiyada dalalkaas ay dantu baday.
Muqdisho oo ah caasimadda ummadda Soomaaliyeed waxaa degen qiyaasta 4 milyan oo ah shacab Soomaaliyeed oo dalka oo dhan isaga kala yimid, waxeyna xaq u leeyihiin in loo aqoonsado maamul goboleed ay si toosa ugu soo doortaan madaxda siyaasad ahaan ku metelaysa maamulkooda iyo kan dowladda qaranka, waxaana wax lala yaabo noqotay meeshii laga sugayey in dadweynahaas tirada badan la siiyo maqaamka saxda ah oo ay leedahay Muqdisho, in taas bedelkeeda uu xeerkaas soo jeediyey in dadweynuhu doortaan golahooda deeganka, balse madaxweynaha dalka uu soo magacawdo madaxa hogaaminya golaha deegaanka Muqdisho oo ah mid u dhigma xil wasiir, waxeyna taas ay dhalisay in la is tusay in masuulkaas uu u shaqeynayo cida soo magacaabatay oo aysan cid kale la xisaabtami karin ama aysan xilka ka qaadi karin, meesha taas bedelkeeda ay dadweynuhu rabaan cid ay doortaan oo rabitaankooda ku shaqeeysa, ahna kuwo ku yimaada doorasho dadweyne.
Ugu dambeystii, xeerku wuxuu ku soo rogey xisbiyada iyo musharixiinta tartamaya iney bixiyaan qidmooyin u dhaxeysa 100,000 – 250 USD, waxeyna taas ka dhigeysaa doorashooyinka kuwo beeca oo qofka awooda hantidaas uu ka qeyb geli karo musharaxnimada xisbiyada iyo tartanka doorashooyinka, taas oo meesha ka saareysa aragti siyaasadeed iyo doorasho ay dadweynuhu ku kala dooran karaan aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan, waxeyna awoodaas ku saleysan mabda’ dhaqaalaha loogu kala reebayo musharixiinta iyo xisbiyada ay tartanka soo gelineysaa oo keliya musharixiin hantidooda ku yimida doorashada, dadkuna ay ku qasban yihiin iney kuwaas oo keliya ay u kala codeeyaan ama ay noqdaan iney ka niyad jabaan codbixinta, taas oo ka dhigeysa mid dad yar ku soo koobeysa ka qeyb galka codbixinta, madaama ay dadweynuhu u arkaan in doorashadu ay noqoneyso mid ku dhisan dimoqaradiyad beenabuura oo aan rabitaanka dadka si hufan u raacsaneyn.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com