Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo soo riday gantaalo Israel ku weerartay Siiriya

Ruushku waxay fashiliyeen weerarkii ay Israel ku qaadday magaalada Tartus, Syria. Waxayna soo ridday 13 gantaal.

Ciidammada Russia ayaa maanta sheegay inay hawada Syria ku soo rideen 13 gantaal oo Israel ay lahayd. Magaalada Tartus, Syria waxay ku taallaa galbeedka xeebta Mediterranean Sea oo dhinaca Syria ah.

Israel gantaallada ay isticmaashay waa noocyada Delilah iyo Popeye oo ah cruise missiles.

Ciidammada Russia waxay saldhig wayn ku leeyihiin Latakia oo ah Galbeedka Syria. Halkaas wuxuu Ruushku ku leeyahay laba saldhig oo waawayn Khmeimim Airbase iyo saldhigga Ciidammada Badda ee Tartus.

Labadaa saldhig qiime wayn ayey ugu fadhiyaan Russia, gaar ahaan Khmeimim Airbase oo ay yaallaan dayuuradaha qaada Nuclear-ka oo loogu talogalay xudduudaha koonfureed ee NATO.

Inkastoo Ruushku dhaqan ahaan ka gaabsanayay isticmaalka nidaamkiisa difaaca hawada si uu uga hortago weerarrada Israel, haddana Turkiye iyo dalal kale ayaa soo jeedinaya in faragalinta Russia ee difaaca hawada Tartus ay macquul tahay.

Khmeimim Airbase, Russia waxaa u yaalla gantaalada difaaca hawada S-400 iyo S-300V4. BuK-M2 oo ah lidka dayuuradaha maraya meelo dhexe iyo Pantsir-S oo ah lidka dayuuradaha meel dhaw maraya. Saldhigga Khmeimim Airbase waxaa isna yaalla dayuuradaha dagaalka Su-35 iyo Su-34.

Dayuuradahan dhawr jeer bay hawada Syria iskaga horyimaadeen kuwa Turkiye, Israel iyo Galbeedka.

Related posts

Shika Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Somalia iyo Qodobabada looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Xafiiska Hanti dhowrka guud oo Rooble ka dalbaday joojinta Xeer dhowaan la ansixiyey

Caydiid Ali

Golaha Milateriga dalka Sudan & Xoogaga Mucaaradka oo gaaray heshiis cusub

Caydiid Ali