Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo si kulul u diiday hadal ka soo yeeray RW Xamse

Itoobiya ayaa diiday Eedaymo culus oo ay somalia u soo jeedisay ka dib khudbad RW Xamse Barre ka jeediyey golaha guud ee QM

Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in Somalia ay wajaheyso halis kaga imaneysa dhinaca Itoobiya.

”Soomaaliya xilliga waxa ay wajahaysaa khataro kaga imanaya Ethopia, taasoo xadgudub ku ah madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Itoobiya markasta waxay si sharci ah ku isticmaali jirtay badda Soomaaliya iyadoo u isticmaaleysa ganacsigeeda. Heshiiska ay la saxiixatay gobol ka mid ah Soomaaliya waxa ka dhalan kara nabadgelyo daro gobolka ah” ayuu yiri Xamse.

Hase ahaatee Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa ku gacan seyray eedeymaha Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn

Waxaa uu markiisa ku eedeeyay Soomaaliya inay isku dayeyso inay daboosho xiisadaha siyaasadeed ee gudaha dalkeeda ka jira isla markaana ay dadkeeda u abuurayso cadow aan jirin.

Wasiir Taye ayaa difaacay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, isagoo sheegay in heshiiskaasi uu ku salaysan yahay hannaanka siyaasadeed ee jira, ujeeddaduna tahay “koritaanka iyo barwaaqada oo la wadaago”.

 

Related posts

Gabar 14 sano jir ah oo kufsi wadareed iyo jirdil loogu geystay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Imaaraadka oo ogolaaday in Garoonka Berbera ay adeegsan karaan Diyaaradaha Rayidka

Cabdi Cade

Khayre oo shacabka Soomaalida ugu baaqay iney ka fogaadaan Shan arrimood (Daawo Video)

Caydiid Ali