Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xooggan gaari uu  ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka hore maqaayad caan ah oo kutaalla guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir

Sida aan xogta ku helnay qaraxa ayaana ka dhacay meel ku dhaw maqaayada lagu magaaco Geel Doox oo kutaalla dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay xilligaasi ku sugnaa dad badan oo qaarkood jidka marayeen.

Khasaaro ayaa lasoo sheegayaa in qaraxan goordhaw dhacay in uu ka dhashay, waxaana goobta qaraxu ka dhacay ku sugan ciidamada ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega, kuwa oo goobta ka qaadaya dadkii ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa.

Qaraxan dhacay ayaan la ogeyn in uu ahaa mid gaariga lagu soo raray iyo in gaariga qarxay lagu soo dhejiyay, saraakiisha ammaanka qaabilsan ayaana bilaabay baaritaanno qaraxan ku aadan, waxaan ala filayaa in faah faahino ka bixiyaan qaraxan waxa uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Xildhibaano Somalia ku metelaya Baarlamanka NAM oo la Magacaabay

Caydiid Ali

Faahfaahin: Weerar shacab lagu laayey oo ka dhacay duleedka degmada Balcad

Caydiid Ali

DFS oo shaacisay in Puntland ka diiday qorshe ay ciidamo uga qoran layaaheen ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---