Allbanaadir.com
NEWS

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay suuq kuyaalla magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka dhacay qarax xooggan oo jugtiisa si weyn loo maqlay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Magaalada Jowhar, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay suuqa ahaa mud mashquul ah oo dad badan suuwa ay ku sugnaayeen.

Khasaaro kala duwan ayaa laga soo wariyay in uu gaystay qaraxa ka dhacay Suuqa xoolaha ee Magaalada Jowhar, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ciidamada ammaanka  kuwaa oo goobta kawada baaritaanno kala duwan..

Suuqa magaalada Jowhar ayaa maalmaha Sabtiga ah iyo Arbacada yahay mid aad u mashquul badan, waxaana qaraxa goordhaa dhacay laga cabsi qabaa in khasaaro badan uu geestay.

Related posts

Wasiir Fiqi oo gaaray Kampala & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo maanta ka qeyb galaya Shir uu ku matalayo Madeaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Maxay tahay calaamada uu foolka ku sawirtay Xoghaye Rubio?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---