Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada , kuwaa uu kala hadlay xaalada ammaan ee deegaannada Puntland iyo xiisada ka jirta magaalada Boosaaso.
Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha ciidamada kala hadlay sida xal loogu heli karo loona wajihi karo xiisada colaadeed ee u dhaxeysa ciidamada Deni ka amar qaata iyo kuwa PSF ee reer Diyaano maamulaan.
Kulanka ayuu sidoo kale Madaxweyne Deni saraakiisha uu la kulmay kala hadkay saameynta ee deegaannada Puntland ku yeelan karo magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska ee loo magacaabay Jeneraal Asad Diyaano oo ah sargaal awood badan ku leh Boosaaso.
Saraakiisha ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in Jeneraal Asad Diyaano saameyn toos ah iyo mid togan ku yeelan karo deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo qoyskiisa awood badan oo ciidan ku leeyihiin.
Waxa ay sidoo kale saraakiisha u sheegeen Madaxweyne Deni  in ay ku adkaan doonto in Taliyaha Booliiska ka celiyaan imaanshaha deegaannada Puntland gaar ahaan Boosaaso, hadalkaas ayaa niyadjab xooggan ku beeray Madaxweyne Deni una keentay in madaxa foorariyo.
Madaxweyne Siciid Deni oon ku qancin hadallada kasoo yeerayay saraakiisha uu la kulmay ayaa u sheegay in uu wadatashiyo kula laabanayo lataliyaashiisa uuna kulamo kale isugu imaan doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Siciid Deni , ayaa u magacaabay taliyaha booliiska Jeneraal Asad Diyaano oo khilaaf kala dhaxeeyo Deni , sidoo kale qoyskiisa awood ciidan ku leh deegaanno katirsan Puntland.