Allbanaadir.com
NEWS

Mooshin ka dhan ah Wasiirka arrimaha Dibadda oo la diyaariyay iyo xogta waxa loo heesto

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Baarlaanka Soomaaliya, ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadda ku maqan dalka Mareykanka.

Sida aan xogta ku helnay 70 xildhibaan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin isla xisaabtan iyo xil ka qaadis ka dhan ah Wasiir Axmed Fiqi, oo lagu eedeeyay in wasaaradda ka dhigtay guri isaga uu leeyahay oo kale.

Xildhibaannada mooshinka diyaariyay qaarkood ayaa sheegay in wasiirka ku xadgudbay heykalkii wasaaradda laheyd, sidoo kale abuuray khilaafyo xooggan oo ka dhax jira masuuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa tan iyo markii loo wareejiyay wasaaradda arrimaha dibadda abuuray khilaaf saameeyay shaqadii wasaaradda, waxa ayna wasiirka isku dhacsanyihiin wasiiru dowlaha wasaaradda iyo sidoo kale agaasimaha, waxa uu sidoo kale shaqada ka eryay masuuliyiin isagoona ku beddeshay dad gaar ah uu watay.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyay qaarkood ayaa sheegay in Axmed Macallin Fiqi u qalmin wasaaradda arrimaha dibadda, iyagoo sheegay in looga wannaagsan yahay arrimaha diblumaasiyadda ayna suurto gal tahay in magacxumo usoo jiido qaranka Soomaaliya.

Guddoonka golaha Shacabka ayaana markii mooshinka qabtaan la filayaa in ay u yeeraan wasiirka , si su’aallo loo weydiiyo kagulana xisaabtamo shaqada uu Qaranka u hayo oo dhaliilo badan laga keenay qaabka uu u wajajayo.

Related posts

DEG DEG: Al-Shabaab oo mar kale la wareegtay degaanada Camaara & Bacaadweyne

Caydiid Ali

Wiil la dhashay Taliyihii hore ee Nabad Sugida Qaranka oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo jeediyey hadal dad badan ku abuuray yaab iyo fajac

Caydiid Ali
Taboola Ads ---