Allbanaadir.com
NEWS

Wiil maanta Muqdisho ku dilay awoogiis hooyadiis dhalay 

Wiil dhallinyaro ah ayaa maanta degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa uu ku dilay awoogiis hooyadiis dhalay, waxa uuna falkan noqday mid si weyn uga argagaxeen dadka degan aaga falka uu ka dhacay iyo guud ahaan dadkii maqlay.

Ninka dilka geestay oo lagu magacaabo Osama ayaa la sheegay in dhowr mar toorey ku dhuftay awoogiis oo magaciisa lagu sheegay  Maxamed Nuur, waxaana dhaawac halis ah oo gaaray ninka toorey lagu dhuftay ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaal la geeyay.

Ciidamo katirsan hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay wiilkii dilay awoogiis, waxa ayna ciidamada ku wareejiyeen saldhigga booliiska degmada Waabari oo lagu baarayo dilaaga.

Dadka degan xaafada uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in wiilka dilay awoogiis uu ahaa mid maskax ahaan caafimaad qabay, lamana oga ilaa hadda waxa uu kalifay wiilkan dhallinyarada ah in dil araggax leh u geesto awoogiis hooyadiis dhalay.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay dhacdooyin araggaax leh, kuwaa oo isku geesanayeen dad isku qoys ah, sida wiil dilay hooyadiis iyo aabhiis, aabbe dilay wiilkiisa iyo haweeney ninkeeda dishay iyo kuwa kale oo kasii daran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Joe Biden oo la hadlay Shacabka Mareykanka Balan qaadyo waa weyna sameeyay (Sawirro)

admin

IGAD oo taageertay codsiga Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka (Sawirro)

Cabdi Cade

CNN oo baahisay oo warbixin argagax leh oo ku saabsan Xabsi Israel ka dhistay duleedka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---