Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka fuliyay goob Al Shabaab shir uga socday

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in xilliga ay ciidamada beegsanayeen ay ku sugnaayeen deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamo katirsan guutooyin  Gorgor iyo 14-ka October  ay fuliyeen howlgal lagu beegsaday dagaallamayaal iyo horjoogayaal Al Shabaab katirsan, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Jowhar-Awdheegle oo 5 KM u jirta degmada Awdheegle.

Howlgalka ciidanka xoogga dalka fuliyeen ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda Al Shabaab isugu yimaadeen, waxaana goobtaasi ka socday shirar iyo abaabul dagaal ay wadeen saraakiisha iyo xubnaha kale ee katirsan Al Shabaab ee goobtaasi lagu weeraray.

Ciidanka Guutada 175-aad ee Gorgor iyo Guutada 146-aad ee 14-ka October ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalkan qorshaysan, waxaana wararku sheegayaan in howlgalkan khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay xubnihii katirsanaa Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo bilaabay duminta guryo si sharci daro ah loogu darsaday jidadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo Sheekh Shaakir oo isku dhiibay Ciidanka dowlada

Cabdi Cade

Dowladaha Saudi Arabia iyo Iran oo qaaday talaabo kale oo lama filaan ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---