Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Mareykanka kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Kulanka dhaxmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  iyo Kaaliyaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika

Waxa ay sidoo kale Xamse Barre iyo Molly Phee kawada hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sannadka cusub.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk ayaa kulamo kula  qaadanaya madax kala gedisan, waxa uuna kala hadlayaa xaalada Soomaaliya iyo sidii dowladda taageero dheeraad ah u heli laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada Beesha caalamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Caruur ku sugneyd dugsi Qur’aan & Macalinkii wax barayey oo duqeyn lagu laayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Sabriye oo gaaray Dhuuso Mareeb iyo Xaaf oo soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---