Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashiga dhinaca Amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Yu Wang, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Amniga ee ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyadoo diiradda la saarayo dhisidda awoodda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Danjiraha ayaa dhankiisa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya ee dhinaca amniga gaar ahaan hay’adda miino baarista Soomaaliyeed iyo tayeynta Shaqalaha Ka hawlgala Hay’ada Miina Baarista.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Shiinaha Soomaaliya ka caawiyaan dhinacyo badan ay kamid yihiin dhaqaalaha , arrimaha gargaarka iyo qalabeynta ciidamada.

Related posts

Maxaa ka jira in Trump aqoonsanayo Somaliland hadii uu guuleysto?

Caydiid Ali

Yuusuf Dabageed oo goordhaw loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle

Cabdi Cade

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al Shabaab oo socda iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade