Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii ciidanka Booliiska oo loo magacaabay Wasiir katirsan Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.

Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa hadda ah taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta oo Khamiis ah shirka golaha Wasiirrada looga qaado xilka taliyaha ciidanka booliiska uu muddo labo sano ah soo hayay.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaana maanta loo magacaabi doonaa Asad Diyaano oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland, waxaana sargaalkan muddo la hadal hayay in xilkan loo magacaabi doono, balse Ra’isul Wasaare Xamse ayaa diidanaa in taliyaha booliiska xilka looga qaado.

Sareeya Gaas Sulub Axmed Firin ayaa lagu abaalmariyay kahor xil ka qaadistiisa derejo ciidan oo loo dallacsiiyay iyo in din loogu celiyo wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya uu horey wasiiru dowlo uga ahaa kahor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Related posts

Maraykanka oo ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Saraakiisha Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wasaarada Waxbarashada Somalia oo war ka soo saartay isku dhicii Booliska & ardayda

Caydiid Ali

Fanaaniin Caan ah oo qeyb ka ah Safarka Madaxweyne Geelle oo Muqdisho soo gaara

Cabdi Cade
Taboola Ads ---