Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare oo kaalin weyn ka qaadan doona hirgelinta qorsheyaasha muhiimka ah ee dowladnimada, Dimuqraadiyadda, iyo Federaalka.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.
Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Axmed Jaamac Maxamed Cillal oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka dallada mucaaradka Puntland iyo Cabdisamad Maxamed Gallan Wasiirkii hore ee amniga Puntland ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Deni, waxayna talaabadan ku soo aadeysaa xili Deni iyo Xassan Shiikh khilaafkoodu uu meel adag marayo.
Tallaabooyinkan ayaa la fillayaa inay hordhac u yihiin magacaabidda berri ee Gen Asad Cusmaan Diyaano oo loo magacaabi doono Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaasoo sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta aysan isku wanaagsaneyn Deni