Allbanaadir.com
NEWS

Somalia & Azerbaijan oo ka wada hadlay iskaashi Milateri

Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ka wada hadlay iskaashi dhinaca milateriga ah oo dhexmara labada dal

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Jenaraal Zakir Hasanov.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka argagixisada.

Faahfaahin  dheeraad ah lagama bixin nooca iskaashiga dhexmari kara labada dal, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili DF ay dedaal ugu jirto sidii ay taageero milateri u heli laheyd si ay isaga waabiso Itoobiya oo damac uu kaga jiro dhul badeed ku yaalla Somalia.

Azerbaijan ayaa ka mid ah dalalka ku yaalla bartamaha qaarada Aasiya oo inta badan aan Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika xiriir toos ah la laheyn.

Related posts

Daawo Sawirada: Qeybo kamid ah garoonkii Baraawe oo bur buray iyo fashil taagan

Cabdi Cade

Dacwad laga gudbiyay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo taliye Ciidan (Akhriso)

Cabdi Cade

Dibed-baxyo looga horjeedo Maamulka Puntland oo ka ka dhacay gobolka Bari (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---