Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Annette Weber (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Waxa ay isla soo qaadeen labada masuul caqabadaha soo wajahaya gobolka Geeska Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka, lagana horgago xasaradaha.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galaya madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, ayaa halkaasi kulamp duceedyo kula qaadanaya madax kala duwan oo New York u tagay ka qeybgalka shirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada AMISOM oo rasaas khasaaro geesatay ku furay shacab banaan bax dhigayay

Cabdi Cade

Ciidamadii maanta la geeyay Dhuusomareeb oo la wareegay xarumo muhiim ah

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Kenya ugu geeriyooday Caronavirus xili ay…

Cabdi Cade