Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ka digtay hubka Masar ka dejisay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Danjire Taye Atske-Selassie ayaa walaac ka muujiyay hubkii dhawaan loo soo daabulay Soomaaliya, isagoo caddeeyay inuu kaga sii dari karo ammaanka jilicsan ee gobolka.

Intii lagu guda jiray kulan uu magaalada New York kula yeeshay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Rosemary DiCarlo, Wasiir Taye waxa uu ka digay in saanadan ciidan ay dambeyn doonto gacanta argagixisada.”

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, dooddu waxay ka dhacday fadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in shixnad mucaawino ah oo militariga Masar ka timid ay soo gaartay Muqdisho, taasoo lagu tilmaamay tii ugu ballaarneyd tan iyo markii Qaramada Midoobay ay ka qaaday cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya December 2023.

Shixnadaha ayaa la sheegay inay isugu jireen qoryaha daran-dooriga u dhaca, kuwa lidka taangiyada, iyo baabuurta gaashaaman, taasoo qayb ka ahayd heshiis dhinaca difaaca ah oo ay Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii August 2024-kii.

Somaliland oo ka jawaabaysa shixnaddan ayaa walaac xooggan ka muujisay. “Aad baan uga walaacsanahay wareejinta hubkan, gaar ahaan maamulka Muqdisho ma laha awood uu si wax ku ool ah u maareeyo ama u ilaaliyo kaydka ciidan ee muhiimka ah.” ayaa lagu yiri hadal shalay ka soo baxay Somaliland

Gargaarka militari ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo adag oo gobolka ah.

Warar soo baxay bishii hore ayaa sheegay in Masar ay bilawday in saraakiil ciidan iyo qalab ciidan ay geyso magaalada Muqdisho, iyadoo la qorsheynayo in ilaa 10,000 oo askari oo Masaari ah la geeyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale ka hadlay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), isagoo carrabka ku adkeeyay in “dhammaan arrimaha howlgalka, oo ay ku jiraan waajibaadkiisa, maalgelintiisa, iyo isku dubaridka” in laga tixgeliyo Itoobiya ka hor inta aan la gaarin go’aannada.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib markii Addis-Ababa ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed 20 km ah, loogana beddelanayo in ay aqoonsatao Somaliland.

Related posts

Nin Soomaali ah oo sabab yaab leh loogu xiray Magaalo ku taalla dalka Jarmalka

Caydiid Ali

Dhismayaal lagu soo kordhiyay xarunta Miino baarista Booliiska oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Hoos u dhac laga dareemayo xaaladaha cudurka COVID-19 ee gudaha Somalia

Caydiid Ali