Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey duqeynta Israel ee Lubnan & Iran oo..

Israa’iil ayaa weli duqeymo ku garaacaysa qeybo ka mid ay koonfurta Lubnaan, iyadoo duqeymaha saaka ay ka hooseeyaan weerarradii aan horey loo arag ee ay shalay ka geysteen diyaaradaha Israa’iil gudaha Lubnaan.

Ururka Xisbullah ayaa saaka sare u qaaday weerarradiisa gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato ee xadka la leh koonfurta Lubnaan iyagoo gantaalo ku garaacay dhowr magaalo.

Xisbullah ayaa ku jirta xaalad is xakameyn ah oo aan horey loo xisaabin, iyadoo Lubnaan ay la kulantay mid ka mid ah duqeymihii ugu xumaa taariikhda oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad shan boqol oo qof tiro kun iyo shan boqol ka badana ay ku dhaawacmeen

Lagama arag dhinaca Xisbullah weerarro y dhigma oo ay duulaanka Israel uga jawaabeen dhimashada 24 saac gudaheed si la mid ah kama dhalan inay Xisbullah beegsato Tel Aviv.

Sida laga arkay warbixin uu baahiyay telefishinka CNN, saraakiisha Mareykanka ayaa aaminsan duulaanka Israa’iil ay ku qaaday Xisbullah inay ku gaarsiisay kaabayaasha ururka xaalad dhalinaysa muddo 20 sanno ah inay ka soo kabtaan, balse ma jiro ilo ka madax bannaan xulafada Israa’iil oo soo bandhigay khasaaraha gaaray kaabayaasha Xisbullah oo dhankeeda u muuqata inay qaadatay digniinta Iran oo hadda bixinaysa dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu joojinayo dagaalka, taasoo hoos u dhigtay filashada duulaanka ka dhacay Lubnaan inay jawaab ka bixin karaan kooxaha kale; Xuutiyiinta ama urur kale oo ay Iran taageerto, sababo la xiriira mowqifka badbaadada ee hoggaanka Iran.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ku toogatay Saddex nin

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo u digay dadka Carqaladeenaya Dimuquraadiyada Puntland

Cabdi Cade

Saraakiisha ciidankii diidanaa muddo kororsiga oo Sagaal qodob soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali