Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo faray ciidanka Puntland in dagaal isku diyaariyaan (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta taliska ciidanka daraawiishta Puntland ee 54-aad shahaadooyin ku guddoonsiiyey cutubyo ka tirsan ciidanka oo tababar dhameystay, kuwaasi oo kala ah hurinta 2-aad ee ciidanka Madaxtooyada iyo saraakiisha guutada Duufaan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ciidanka ku boggaadiyey guulaha ay kasoo hooyeen xagga amniga iyo difaaca, iyadoo ciidamada Puntland oo aysan AMISOM wehelin ay sugaan amniga dhulka ugu weyn Soomaaliya .

“Waxaan ku faraxsanahay in iyadoo AMISOM ama ATMIS joogin, ay ciidankeenu ku guuleysteen in ay sugeen amniga Puntland oo ah dhulka ugu weyn Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa dhinaca faray saraakiisha iyo ciidanka maamulka Puntland, in la isu diyaariyo guluf dagaal lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Puntland, arrintaasi oo hadda ah howsha ugu weyn ee Dowladda hortaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo goordhaw is casilay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Canada oo been abuur ku tilmaantay war uu faafiyay Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya

Cabdi Cade

Codbixin Muhimad weyn u leh mustaqbalka Madaxweyne Erdogan oo Istanbul ka dhacday

Caydiid Ali