Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo fashiliyay dhagar ay maleegayeen kooxda Al Shabaab

Ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee ka howlgala magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa gacanta ku dhigay nin katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo la sheegayay in uu aasayay miino uu rabay in uu dhibaato ku geesto.

Ciidamada oo helay xogta ninkan dhagarta u maleegayay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada ayaa dul tagay halkii uu ku sugnaa, waxa ayna ciidamada u suurto gashay in gacanta ku dhigaan ninkan iyo miinadii uu doonayay in uu aaso.

Ninkan katirsanaa Al Shabaab ee la qabtay ayaa loo gudbiyay saldhig kuyaalla degmada Baraawe, waxa ayna saraakiiha ciidanka nabadsugida sheegeen in baaritaanno ku socdaan ninkan la qabtay loona gudbin doono laamaha cadaaladda.

Ciidamada ammaanka gaar ahana kuqa qaabilsan baarista miinooyinka ayaana ku guuleestay in ay qarxiyaan miinadii uu ninkan aasayay, mana jiraan wax khasaaro ah oo ka dhashay miinada ciidamada qarxiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo hanjabaad hawada isku mariyey & fadeexad soo baxday

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin iyo Xubno kale oo RW Kheyre ku wehliya Safarka Mareykanka (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu cafis ka dalbado Ciidanka kumaandooska Danab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---