Allbanaadir.com
NEWS

Waceysle iyo Abakar oo heshiis ka gaaray rag ay kala qafaasheen

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo kala jeeda beelaha Abakar iyo Waceysle oo ka kala tirsan Abgaal iyo Murusade , ay heshiis ka gaareen rag ay labada dhinac kala afduubteen iyo xiisad xooggan oo taagneed.

Dhinacyada kulmay ayaana wararku seegayaan in ay ku heshiiyee in xiisada u dhaxeysa labada beel ee wada degta bariga gobolka Galgaduud la qaboojiyo, waxa ay sidoo kal kawada hadleen sidii loo sii deyn lahaa ragga labada dhinac u kala xiran.

Mid kamid ah odayaasha kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in heshiis KMG ah labada dhinac ee dariska ah ka gaareen xiisada u dhaxeysay, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan hadda dedaalo lagu sii deynayo dhowr nin oo labada dhinac u kala qafaalan.

Xiisada labada beel nu dhaxeysa ayaa bilaabatay kaddib markii maleeshiyaad kasoo jeeda beesha Waceysle deegaan hoostaga degmada Galhareeri kasoo afduubteen nin beeraley caan ah, iyagoona ninkaasi ku tilmaay Al Shabaab, waxaana maleeshiyaad ninkaasi ku heyb ah iyana afduubteen labo nin oo Waceysle ah.

Afduubka labada meel isku geesanayeen ayaa xitaa saameyn ku yeeshay gaadiidka safarka, waxaana mar kale maleeshiyaad kasoo jeeda beesha Waceysle gaari kala dageen meelna ku xireen saddex nin oo kasoo jeeda beesha Abakar Murusade.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah raggii kufsiga & dilka kula kacay Xamdi Max’ed oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Madaafiic Khasaaro geestay oo goordhaw lagu garaacay Xaafado kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Wariyaal duubay Muuqaal uu si weyn uga carrooday Madaxweyne Afrikan ah oo Xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade