Allbanaadir.com
NEWS

Laamaha amniga oo ka shiray ka hortaga hubka Sharcidarada ee heestaan…

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda F.S Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) , ayaa guddoomoyey shir looga hadlayay sidii ay hey’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharcidarrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya  oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharcidarrada ah.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hey’adaha amniga loogu adkeyn lahaa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharcidarrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta .

Wasiirka Amniga Xukuumadad Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharcidarrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Marxuum Gen. Darwiish oo lagu aasay Kismaayo iyo madax kala duwan oo ka qeyb gashay

Caydiid Ali

Kaalintee Somalia ka gashay dalalka caalamka ugu awooda badan dhinaca Milateriga?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la siiyay Talo muhiim ah oo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---