Dalka Uganda ayaa lagu wadaa in sannadka 2026-ka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, waxaana mar kale doorashada ku jira oo kursiga uu hadda ku fadhiyo u tartamaya Madaxweynaha talada haya Yoweri Museveni oo Uganda maamulaya tan iyo 1986-dii.
Doorashadan ayaa mar kale la filayaa in uu ku guuleesto Madaxweyne Yoweri Museveni, waxa ayna mucaaradka dalka Uganda aaminsan yihiin in waxa dhacaya aysan aheyn doorasho , balse tahay mid uu ku shubanayo hoggaamiyaha waqtiga fog talada dalkaasi haya.
Wiilka Madaxweynaha dalka Uganda Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo horey u shaaciyay in doorashada soo socota u tartamayo ayaa shaaciyay in uu isaga haray doorashada, waxa uuna xusay in uusan tartanka ku jirin una tanaasulay aabihiis.
Waxa uu ku dhawaaqay wiilka Madxaweyne Museveni in uusan doorashada soo socota u tartami doonin, waxa uuna caddeeyay in diirada saari doono arrimaha ciidamada uu hadda ku jiro, waxa uuna ballanqaaday in doorashada ku taageeri doono aabihiis oo mar kale sharaxan.
“Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo inaanan u tartami doonin hogaaminta doorashada 2026. Eebbe weyne wuxuu ii sheegay inaan diiradda saaro arrimaha ciidamada marka hore. sidaas darteed, waxaan si buuxda u taageersanahay Madaxweyna Yoweri Museveni doorashada xigta,” ayuu yiri wiilka Madaxweyaha.
Wiilka Madaxweynaha dalka Uganda ayaa hadda ah taliyaha ciidamada difaaca ee dalka Uganda, waxa uuna wiilkan awoodda badan barihiisa bulshada ku baahiyaa hadallo marar badan muran dhaliyay , taa oo ka dhalatay cambaareyn xooggan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com