Hey’adda Tayo Dhowrka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir iyo Xeer illaalinta Qaranka ayaa duleedka degmada Gubadley ku gubay Raashin dhacay, oo ciidamada ammaanka horey gacanta ugu dhigeen.
Rashiinkaan dhacay oo gaarayay 2,000 kiish oo bur dhacay ah, ayaa laga qabtay dekadda magaalada Muqdisho oo ganacsato kasoo dejiyeen ,waxna baaris kaddib Hay’adda Taya dhowrku ay sheegtay in uu yahay mid dhacay oon la isticmaali karin.
Agaasimaha Kormeerka Hey’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi oo goobta lagu gubay rashiinkan ka hadlay ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in dalka keenaan raashin iyo waxyaabo kale oo dhacay, waxa uuna sheegay in tallaano laga qaado doono ciddii dalka keenta raashin dhacay.
Dhinaca kale Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad ayaa ganacsatada Soomaaliyeed isagana kaga digay in aan dalka lasoo galin karin raashiin dhacay, baaritaana lagu sameynayo cid kasta oo ku lugyeelata soo galinta dalka Rashiinka Dhacay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com