Wafdi uu Hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Boliiiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Safar shaqo oo kooban ku tagey dalka Mareykanka si uu kula kulmaan hay’adaha ka taageerta Boliiska dhanka La dagaalanka Argagixisada.
Inta uu joogey Taliyahu ayuu Magaalooyinka Newyork iyo Washington DC, shir ku la qaaty madax hay’adahaas. Shirarkaas ayaa dhamaantooda ku soo dhamaadey Kuwa miro dhal leh.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Sidoo kale soo booqdey Akadeemiyada FBI ( FBI Academy in Contico). Halkaaso saraakiil ka socota Ciidanka Boliisku ay tababar xirfadaha Boliiska ku soo qaadan doonaan mustaqbalka dhaw.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Oo ku tagey Dalka Mareynka ayaa abuureysa in Mareynka uu diyaar u yahay caawinta Ciidanka Boliiska Sooomaaliyeed iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Argagaxisada, walow ay hadaba gacan buuxda ka geystaan, dib u dhiska Ciidanka Boliiska gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada.
Ma ahan marki ugu horaysay ee taliyuhu tago carigaas, iyadoo dhowr jeer oo hore uu safar miro dhalay ku tagay, taageeradaan ayaa laga dheehan karaa howlaha ay ciidanku bulshada u hayaan.