Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre & wafdi uu horkacayo oo u kicitimaya New York

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Sidoo kale xafiiska RW ayaa shaaciyey masuuliyiinta ka mid noqonaya wafdiga Xamse Barre ee booqanaya New York, waxaana shirkan ka baaqday madaxweyne Xassan Shiikh xiisadaha siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka awgood.

Related posts

Duqa Garowe oo gudoomay qeyb ka mid ah deeq ka timid dowlada Qatar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsato badan oo lagu xir xiray Muqdisho iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo digniin ka bixisay Masiibo ku soo wajahan dalka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---