Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay degaan hoos taga degmada Guriceel

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalo saaka ka dhacay degaanka Golangole oo qiyaastii 80 km Koonfur uga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-Sunna oo ka baxay Guriceel ay weerareen degaanka Golangole oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka weerarka qaaday waxaa u suuragashay inay dagaal la’aan qabsadaan Golangole kadib markii kooxdii joogtay ay xeelad dagaal uga baxeen.

Balse xoogaga Al-Shabaab oo dib isu soo abaabulay ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaaday degaankaas waxaana dhacay dagaal culus oo Al-Shabaab u suurtagaliyey inay dib ula wareegaan Golangole.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xaaladu ay degan tahay balse ay jirto xiisad ka taagan degaanka, iyadoo labada dhinac ay wadaan abaabul dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshaha Waxqabad ee Musharaxa Madaxweynaha Somalia Dr. Saciid Ciise

Caydiid Ali

Soomaali lagu waayey weerarkii Westgate oo sii deyntiisa ka dib la afduubtay

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo bilaabay la xisaabtanka xubnaha Golihiisa Wasiirada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---