Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Garawe ka furay shirweyne sanadle ah (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garawe ka daahfuray shirka sanadlaha ah ee nabadda oo ay qabato xarunta horumarinta iyo cilmi baarista Puntland ee (PDRC).

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyey shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Siciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah, in la illaaliyo wixii heshiiska lagu wada yahay, masuuliyadna la isi saaro oo dadka laga wada qeybgeliyo wixii xal u raadinta dalka ah oo aan la isku koobin.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, isla markaana lagu soo aadiyey maalinta nabadda adduunka, waxaa shirka sanadka looga doodaya doorka Warbaahinta ee Nabadda.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Guddoomiye Ku-xigeenka Urur Goboleedka IGAD Ahna Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Goleyaasha Dowladda Puntland, Safaarada Sweden ee Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’adda USAID, Qoreyaal Soomaaliyeed iyo wakiilo u dhaqdhaqaaqa Nabadda oo isaga kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble: “Gacantii Ikraan Tahliil dishay ayaa ka dambeysay dilka Xildhibaanad Aamino”

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo soo gaabiyay Safarkii Koongo kuna soo laabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Xildhibaanad ka tirsan Senatka Maraykanka oo shaacisay in la kufsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---