Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo ka falceliyay Hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa shalay masjid kuyaalla Madaxtooyada kaga dhax  dhawaaqay in  la bilaabayo howlgalo lagula dagaallamayo hubka sharcidarada ah, kaa oo la tuhmayo in ay heestaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in aysan raali ka aheyn dadka aflagaadada u geesta madaxda iyo dadka kale iyaga oo la adeegsanayo, dadkaas uu sheegay in aakhiro iyo adduunba aysan faa’iido ka heleyn aflagaadada.

Duqii hore ee Muqdisho marna aad isugu dhawaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh ninka lagu magacaabo Thaanit Cabdi Maxamed ayaa si weyn uga falceliyay hadaladan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, xilli dalka xilligan uu ku jiro xaalad adag oo siyaasadeed.

Thaabit Cabdi ayaa sheegay in xakameynta hubka sharcidarada ah in uu leeyahay habraac iyo nidaam dowladeed oo loo maro, balse aysan sax ahehyn sida Madaxweynaha sheegay in saq dhaxe la isku duulo, taas uu tilmaamay in horey loogu jabay.

”Mida kale xakamaynta hubka habraac iyo nidaam dowladdeed soo ma lahan mise sagaal saac habeennimo in la is weerraro ayuu ka bilowdaa. In saqdhexe la isku duullo, duul baa ku jabay hortaa, dowladna laguma hagi karo” ayuu yiti Thaait.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu daacad yahay looga fadhiyo agaasimayaasha iyo shaqaalaha kale ee dowladiisa ee siyaasiyiinta iyo dadka kale caaynaya una gefaya in shaqada marka hore ka eryo.

”Madaxweyne haddii ficilkaagu khayr iyo wanaag yeesho dadkuna intaa iyo in la eg ka fillo, balse marka hore kuwa aflagaadada gaystay ee dowladdaada ka tirsan tallaabo ka qaad, markaas bay rummoobeysaa wanaagga isku kaashada, xumahana iska reeba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse oo War ka soo saaray geeridda Abwaan Jaamac Kadiye oo Laascaanod lagu dilay

Caydiid Ali

Jubbaland oo War ka soo saartay duqeyntii dayuuradaha Kenya ka geysteen Gedo

Caydiid Ali

Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo xabsi la dhigay iyo Xog ku aadan sababta loo xiray

Caydiid Ali