Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay gogoshii tacsida ee Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde , oo Jimcihii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makka Al Mukarama.
Gunaanadka tacsida waxaa maanta ka qeyb galay madax kala duwan oo isugu jiray kuwa ka socday dowlad goboleedyada qaar, wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaannada labada Aqal , guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaana kamid ahaa masuuliyiintii maanta ka qayb galay munaasabadda gunaanadka tacsida Allaha u raxmadee Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.
Qoorqoor oo ka hadlay madasha tacsida ayaa guud ahaan shacabka Soomaaaliyeed, bulshada reer Galmudug iyo si gaar ahba ehellada iyo qaraabadii Ugaaska uga tacsiyeeyay geerida Ugaaska, isagoo ku tilmaamay Ugaaska mid ku asteysnaa ka shaqeynta nabadda.
Tacsida Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo muddo isbuuc ah fidsaneyd magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay oo siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyay madaxda dalka ugu sarreysa, wasiirro, madaxda maamulada qaar iyo masuuliyiin kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com