Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Shaacisay sababtii ay u xireen Maktabadii Masar ee Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan amar kasoo baxay lagu xiray maktabad weyn oo dowladda MasarĀ  ka dhistay magaalada Hargeysa, waxaana shaqaalaha Masaarida ee howlwadeenka ka ahaa maktabadaasi lagu amray in Somaliland saacado uga baxaan.

Somaliland ayaana muddooyinkii dambe eedeymo u jeedineysay dowladda Masar oo heshiis dhinaca amniga ah la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya, Masar ayaa sidoo kale qorsheeneysa in ciidamo nabbad ilaalin ah usoo dirto Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta maamulka Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareyxaan) oo wareysi siiyay Tv-ga Al Carabiya ayaa sheegay in sababta ay u xireen maktabadii Masar ay salka ku hayso in hawl-wadeennadeedu faraha kula jireen wax ka duwan sababtii markii hore loo aasaasay.

Waxa uuna wasiirka ka gaabsaday in uu si rasmi ah u caddeeyo waxyaabaha ay faraha kula jireen howlwadeennada Masaarida ah ee Hargeysa ku sugnaa, waxa uuna sheegay kaliya in ay wadeen howlo aysan iyagu raali ka aheyn.

Dowladad Masar ayaa khilaaf xooggan oo ku salleysan biyo xireenka wabiga Niil kala dhaxeeyaa Itoobiya, waxaana khilaafka labadaasi dal hadda usoo guuray Soomaaliya, iyadoona Itoobiya ay taageereyso heshiisna la gashay Somaliland, halka Masarna heshiis iskaashi la yeelatay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi & Madaxweyne Deni? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Koore: “C/risaaq Khaliif wuxuu cadeystay sida uu uga soo horjeedo Qaranka Somaliland”

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada Qaran oo baaq deg deg ah soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---