Allbanaadir.com
NEWS

Isfaham horudhac oo laga gaaray khilaafkii DF & K/Galbeed

Isfaham horudhac ah ayaa waxaa laga gaarey khilaafkii u dhaxeeyay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir Online u sheegay in Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan uu xalay telefoonka kuwada hadalsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Labada masuul oo muddo saacado ah wadahadalkoodu qaatay ayaa diirada saaray xalinta khilaafka maalmahan hareeyey DF iyo K/Galbeed kaasoo salka ku haya arrimamaha doorashada maamulkaas iyo ciidamada Itoobiya.

Wadahadalka ayaa, sida xogta tilmaameyso, waxay dhinacyada isku afgarteen in Laftagareen uu kasoo qeybgalo shirka golaha wadatashiga qaranka kaasoo lagu waddo inuu Muqdisho ka dhaco 25-ka September.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Baydhabo maalmo ka hor, isagoo ergo ka ah Madaxaweyne Xassan Shiikh si uu ugu qanciyo Laftagareen oo uu sodog u yahay inuu yimaado Muqdisho.

Related posts

Guddiga Doorashada heer Federaal oo war kasoo saaray doorashada ka bilaabatay Puntland

Cabdi Cade

Qarax lagu hoobtay oo lala beegsaday Masjid lagu tukanayey Salaadii Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirkii Waxbarashada oo sharaxay qaabkii xilka looga qaaday & arrintii Jaamacadaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---