Allbanaadir.com
NEWS

Weerarkii isgaarsiinta Xisbulah oo shaki geliyey dalal badan

CIA-da ayaa la sheegay 15 sanno ka hor in laga soo min-guuriyay fikrada nidaamka isgaarsiinta ee Israa’iil ay ku qarxisay Lubnaan, balse waxaa la sheegay inay CIA-da fikradan ka tanaasushay, sababtoo ah waxay waxyeelo u keeni karta dad aan waxba galabsan, sida ay sheegtay shabakadda ABC News oo xiganaysa ilo wareedyo sirdoonka Mareykanka ah.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in wakiillada sirdoonka Israa’iil ay ku lug lahaayeen sameynta aalada pagers iyo qalabka kale ee isgaarsiinta ee lagu qarxiyay Lubnaan, iyadoo la beegsanayo ururka Xisbullah oo u adeegsanayay qalabkan nidaam isgaarsiinta.

Sirdoonka Israa’iil ayaa shirkaddo sharci ah adeegsanayay iyadoo kuwa ka shaqeynaya qaarkood aysan war u heyn cidda ay u shaqeeyaan, sida lagu sheegay warbixinta oo tilmaamtay inay Israa’iil diyaarinta qorshahan soo waday 15-kii sanno ee u dambeysay.

Waa wax u dhigma inay sirdoonka Israa’iil dhiseen shirkaddo sharci ah oo danahooda u adeegga oo laga yaabo kuwa magac weyn oo warshado wax soo saar leh inay ku jiraan.

Dalalka qaar gaar ahaan kuwa Carabta ay mar horaba billaabay dib u eegista qalabkooda isgaarsiinta iyo nidaamyada kale ee tignoolajiyada.

Turkiga ayaa noqday dalkii u horreeyay ee dib u eegis iyo baaritaanno ku billaabay qalabka isgaarsiinta ee ay adeegsadaan ciidamada.

 

Related posts

Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis mashruuc weyn lagu dhisayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Caalamka Islaamka Beri ma Ramadaan baa mise waa 30-ka bisha Shacbaan?

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka oo fuliyay howlgal lagu dilay Al Shabaab badan

Cabdi Cade