Allbanaadir.com
NEWS

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamanka oo ka wada hadlay..

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ay ka wada hadleen shaqada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye ayaa isla soo hadalqaaday xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal iyo ka wada shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya mudane Yu Wang.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka soo-jireenka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo sidii loo sii adkayn lahaa xiriirkaas ka wada dhexeeya labada dowladood.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa adkeeyay in Dowladda Shiinaha ay marwalba garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhinac walba, isla markaana uu ka shaqeynayo xiriir wada shaqayn dhow oo dhexmara Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacbiga Qaran ee Shiinaha.

Related posts

Maxay tahay digniinta Masar ka bixisay weerarka ciidamada Israel ku galeen Rafah?

Caydiid Ali

Godad ay Al Shabaab hubka iyo Raashinka ku keydsan jireen oo la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo shaaciyay tirada askarta Al Shabaab iyo Daacish ee ka howlgala Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---