Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Amal Bank oo xarun cusub ka furatay dhismaha Muqdisho Mall

Xaflad  si weyn loo soo agaasimay islamarkaan xarigga looga jaraayay xarunta cusub oo ay  Amal Bank ka furatay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar weyne dbismaha Mogadisho Mall

Xafladan Xarig jarka xarunta cusub ayaa waxaa kaso qayb galay Maamulka bangiga Amal, Ganacsato  iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Ugu Horeyn waxaa munaasabada ka hadlay mid ka mid ah maamulka Bangiga Amal  oo sharaxay  wax yaabaha ay xaruntaan  cusub bulshada Soomaaliyeed ka heli doonaan  asagoona dhanka kale ka codsaday in ay ka faa’iideystaan bulsha weynta ku nool degmada Xamar weyne,

Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa xamar weyne  oo isagana ka hadlay Xafladani ayaa aad u amaanay adegyada cusub ee shirkada Amal ay ku soo korshisay Magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in loo bahnaa in lahelo adeegyo casri ah oo la jaan qaadi karo dunida horumartay waxuuna bulshada rer xamar weyne iyo ganacsatada ugu baaqay in ay akoono ka furtaan  Amal Bank

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Xamar Weyne oo isagana kaso qayb galay Xaflada furitaanka  ayaa aad u soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in ay muhiim u tahay Bulshada ku nool degmada  in ay helaan adeeg bangi oo  dhameystiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Xaflad soo dhoweyn iyo Sagootin lagu kala maamuusay Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda

admin

(Sawirro) Ku dhowaad 40 qof oo ku dhintay kuleylkii ugu darnaa abid oo ku dhuftay..

Caydiid Ali

Waa kuma Taliyaha cusub ee la wareegay Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---