Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ee golaha Shacabka

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga warbixin kooban ka siiyay howlaha uu Goluhu Qaranka u haayo, sida ay muhiim u tahay ilaalinta guntanka ama kooramka kulamada Golaha iyo sidoo kalena in xildhibaanadda fasax la’aanta ka maqan kulamada Golaha Xeerhoosaadka la marsiiyo.

Dhinaca kale Guddoommiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Laxisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa xubnaha guddiga u faahfaahiyay arrimaha miisaaniyadda qaranka iyo mashaariicda ku jirta.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday ajendayaasha kulamada guud ee Golaha, iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muxuu sharciga cusub ee doorashooyinka ka qabaa xili kordhinta Madaxweynaha?

Caydiid Ali

Madaxweynaha Puntland oo Weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Dowlada Federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade

Amaanka Doorashada Soomaaliya oo si hoose loogu wareegay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---