Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo lagu riday Maxamed Cabdulle Aj iyo xogta dambiga uu galay

Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ) oo ka tirsan huutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo), taariikhdu markii ay aheyd 19kii Febraayo ee sannadkan 2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka kadib kabaxsaday goobta uu dilka ka geestay, ayaa gacanta hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay 20-kii bishoo April ee Sanadkaan 2024.Baaris dheer kadib xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 3-dii bishan September 2024.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada la safan Guddoomiye Jawaari oo kulan xasaasi ku leh Villa Hargeysa

Caydiid Ali

R/Wasaare Kheyre iyo Wafdi la socda oo saakay ka dhoofay Muqdisho

Cabdi Cade

Duqii magaalada Baladweyne oo xilka laga qaaday iyo Duq cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---