Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre oo shir xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada siyaasadeedee dalka , waxa ayna labada masuul is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaalada dalka ku sugan yahay hadda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafyo jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la wadaagay Ra’isul Wasaare Kheyre xogo la xariira qorshayaal dowladda ku dooneysyo in la qabto doorashada dowlad goboleedyada dalka qaarkood , iyo sidii la isaga difaaci lahaa gardarada dowladda Itoobiya.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh xasuuiyay in muddo xileedka madaxda maamul goboleedyad qaar uu dhammaaday, waxa kale uu u sheegay in mudaada hadda u hartay Madaxweynaha ay yar tahay ayna suurto gal aheyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Waxa kale u sheegay in diyaar u yihiin isaga iyo mucaaradka kale in dowladda fursad la siiyo muddada u hartay, waxa uusan uga digay Madaxweynaha in uu isku dayo in uu sameesto muddo kordhin lamid ah tii Madaxweyne hore Farmaajo ku fashilay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare hore Kheyre ayaana u ballaamay in ay isugu yimaadaan wadahadllo kale ay isaga xog wareesanayaan xaalada siyaasaeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabado badan oo hadda taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Maxaa ka jira in hoos loo dhigay awoodii taliyaha ciidanka Xoogga dalka?

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Khayre & António Guterres? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Musharaxa la tartamaya Madaxweyne Erdogan oo Ruushka ku eedeeyay faafinta fadeexado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---