Allbanaadir.com
NEWS

Diiwaangelinta Barakcayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo la daahfuray

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta Bulshada barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNHCRsom.

Dadkaan oo gaara 4,000 (afar kun oo qoys) oo dhammaantood laga diiwaangalinaayo degmada Dayniile ayaa u jeedku yahay in la helo xog-aruurin iyo diiwaangalin dhab ah oo loogu adeego bulshada barakacayaasha ah ee ku nool Caasimadda, ka hortagga leexinta gargaarka, iyo xaqiijinta in qoysaska barakacay ay helaan taageerada iyo xalalka waara.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile Sh Cumar Maxamed Mahad-alle iyo qaar ka mid ah xubnaha Maamulkiisa oo goobjoog u ahaa daahfurka diiwaangalinta ayaa ka Mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ku socoto howsha, waxaana ay ballan-qaadeen in ay gacan buuxda ka geysan doonaan Barnaamijkan diiwaangalinta Barakacayaasha ah degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay magaalada Mandheera ee dalka Kenya

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Mashaariic laga fulinayo Qardho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---