Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo shir xasaasi ah ka furay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda daah furka Golaha Safiirada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Safiirada Dalalka Jaamacadda Carabta ee u jooga Soomaaliya.

wasiirku ayaa mahad naq u jeediyay Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, dadaalkiisa ku aaddan daah-furka golahan, taas oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka u dhexeeya Dalalka Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada Dalalka Carabta, isagoo tilmaamay in Jaamacadda Carabtu ay muujisay taageeradeeda joogtada ah iyo sida ay ugu go’antahay garab is taagga Soomaaliya , taasoo ay ka muuqato go’aamadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirarka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan xadgudubyadii Itoobiya ay ka geysatay Gobannimada iyo midnimada dhulka Soomaaliya.

Wasiirku wuxa uu caddeeyay in hiigsiga Dawladda Soomaaliya uu dhaafsiisan yahay xiriirka diblomaasiyadeed, balse ay Dawladda Soomaaliya Hiigsanayso Midnimo Carbeed oo dhamaystiran.

Related posts

Dowlada Somalia oo bilowday abaabulka qorshe cusub oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Mareykanka iyo dalal kale oo ka walaacsan ciidamo halis ah oo la geeyay dalka…

Cabdi Cade

Wafdi culus oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo jidadka muhiimka ah oo xiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---