Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Dabarow oo lagu dilay Afgooye & faahfaahino laga helayo

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxay ku dileen nin shacab ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Marxuum Xasan Dabarow ayaa waxaa lagu dilay  bartamaha Suuqa Qaadka ee degmada Afgooye markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney baxsadeen raggii dilay marxuumka, lamana oga weli sababta loo dilay ninkan shacabka ah.

Meydka marxuumka ayaa waxaa la geeyay isbitaalka degmada Afgooye.

Taliyaha saldhiga booliska degmada Afgooye ayaa sheegay in howlgal culus ay ka wadaan degmada, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono kooxda dilka geysatay.

Related posts

Daawo Sawirada Sida maanta looga ciiday magaalada Jilib ay maamulaan Al Shabaab

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo Caawa magacaabay Wasiirro cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---