Israa’iil ayaa ka fulisay wajiga labaad ee howlgal lagu sheegay in lagu qarxiyay tan iyo gelinkii dambe ee maanta.
Waxay beegsatay raadiyaasha lagu wada xiriiro iyo qalab kala duwan oo ah nooca aan fiilada lahayn ee bilaa wireless ka ah, inta badan qalabkan ayaa ku qarxay koonfurta Beirut oo ah aag ay ku xoogan tahay Xisbullah.
Waxay u muuqataa inay Israa’iil beegsatay dhammaan qalabka isgaarsiinta loo adeegsan karo ee la geeyay Lubnaan , gaar ahaan agabka u socday Xisbullah.
Talaabadan ayaa muujinaysa hannaanka wax iibsiga iyo agabka ay la soo wareegayso Xisbullah inuu yahay mid aan la marin hab sirdoonka oo ka fogeynaya khatarta.
Shalay ayey aheyd markii israel ay qarxisay qalabka Pegarka ee ay adeegsaneysay Xisbullah, waxaana weerarkaas oo su’aalo badan dhaliyey ku dhaawacmay dad ka badan 300 halka 11 ay ku dhimatay.