Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Safiirka Mareykanka kala hadlay Mucaaradka K/Galbeed?

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambasador Riley ayaa qaabilay siyaasiyiinta madasha mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed oo ay maalmihii u dambeeyey iskugu yeertay madaxtooyada Somalia.

Kulankan ayaa ku soo aadey xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeya DFS iyo Koofur Galbeed, waxaana isa soo taraya saan-saan isdoorasho oo uu damacsan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen.

Safiirka ayaa ku sheegtay qoraal uu soo saaray in dowlada Mareykanku taageerayso doorasho xor, xalaal ah loona dhan yahay, taasoo ah Fariin cad oo kuwajahan doorashooyinka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaradka Koonfur Galbeed ayaa waxaa iskugu yeertay Villa Soomaaliya oo doonaysa inay madashan xaabo ahaan ugu adeegsato dagaalka kala dhexeeya Laftagareen.

Related posts

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay howlgalo lagu begsaday Al-shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali

DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Caydiid Ali

(Akhriso) Xafiiska Hanti dhowrka Guud oo amar culus ku so rogay heyadaha dowlada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---