Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wafdi xal raadin ah u diray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo khilaaf kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo ah soddoga Madaxweynajha maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Laftagareen iyo Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaana taliyaha ciidanka asluubta kala hadlay sidii uu waan waan uga gali lahaa khilaafka u dhaxeeya Laftagtareen iyo Villa Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka meesha xun gaaray ee labada dhinac u dhaxeeya.
Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaana gaaray magaalada Baydhabo , waxa uuna halkaasi kulamo kula leeyahay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen oo sidoo kale yihiin xidid hoose.
Madaxweynhe Laftagareen ayaa ka biyo diidan in uu yimaado magaalada Muqdisho lana kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh , waxa uu sidoo kale diidan yahay in uu ka laabto qorshaha uu ku qabsanayo doorasho mar kale lagu dooranyo.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa ku guul dareestay in uu xal u helo khilaafka Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen, waxaana guuldarro kusoo dhammaaday kulamo uu Baydhabo kula soo qaatay Laftagreen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com