Allbanaadir.com
NEWS

Carruur ku dhax geeriyootay Talaajad ay galeen iyo baaris socota

Booliska dalka Namibia ayaa baaraya dhimashada afar caruur ah oo ku ciyaarayay talaajad faaruq ah oo ay dhex galeen kuna xirantahay, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dda badan aad uga naxeen una hadal hayaan.

Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso saddex ilaa lix jir ayaa laga dhex helay talaajad la isticmaalay oo taal meel ay dadku ku badan yihiin oo ku taal magaalada Katima Mulilo galabnimadii Isniinta.

Booliisku waxay rumaysan yihiin in carruurtu ay si lama filaan ah ugu xirantay qaboojiyaha xilli ay ku ciyaarayeen, laakiin waxaa socda baaritaanno la xiriira dhacdada.

Afarta carruurta ah, ayaa labo ka mid ah ay ku neef qabatoobeen talaajad, halka labada kalena ay ku dhinteen isbitaalka iyadoo lagu daweynayo, sida ay sheegtay warbaahinta bulshada.

“Markii aan gudaha u galay, waxaan arkay kalkaaliyayaal caafimaad oo ku hawlan gabadheyda iyo gabar kale, waxay ula carareen isbitaalka, halka labadii kalena lasoo qaaday,” ayuu Aranges Shoro, oo ka mid ah aabbayaasha carruurta u sheegay wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Namibia.

“Waxay ku xayirnaayeen saacad iyo bar, wayna neef-qabatoobeen.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir oo xilka si rasmi ah ula wareegay ( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Caawa magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaya maamulkiisa

Cabdi Cade

Israel oo ciidankeeda kala baxday xerada Jabalia ka dib jab weyn oo loo geystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---