Allbanaadir.com
NEWS

Wadaado Soomaaliyeed oo isku qoys ahaa oo lagu dhax laayay Masjid gudahiis

Waxaa xalay deegaan hoostaga magaalada Wardheer ee katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen kana caroodeen, kaddib markii wadaado ku sugnaa masjid gudihiisa la weeraray laguna laayay .

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in gudaha masjidka galeen kuna dhax dileen lix nin oo culumo ahaa, kuwaa oo xilliga la dilayay ku sugnaa masjidka, waxaana raggan oo shan kamid ah isku qoys ahaayeen lagu dilay gudaha masaajidka.

Dadka deegaanka oo falkan aad uga argagaxay ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan laayeen wadaadadan masjidka ku sugnaa, waxa ayna falkaasi ku tilmaameen in uu ahaa mid salka ku hayay aano qabiil oo u dhaxeeyay beelo aagaasi wada degan.

Ciidamo katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gaaray goobta culimada xalay lagu laayay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan maleeshiyaadkii geestay falkaasi argagaxa lahaa.

Deegaanno hoostaga magaalada Wardheer ayaa waxaa ka jira colaad u dhaxeysa maleeshiyaad halkaasi wada dega, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ciidamada dowlad deegaanka qeyb ka yihiin colaada ayna dad shacab ah halkaasi ku dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaan loo magacaabay gudoomiyaha degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidanka Milatariga oo laga saaray Xerada Afisiyooni kaddib Ammar soo baxay

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---