Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Sare oo go’aankii ugu dambeeyay ka gaartay Kiiskii Sayid-cali

Maxkamadda sare ee dalka, ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday xukunka  kiiskii dacwada dilka iyo gubitaanka ahaa ee Sayid-cali Macalin Daa’;uud u geestay xaaskiisii oo uur laheyd, taa oo lagu magacaabayay Luul Cabdicasiis.

Qareennada Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa racfaan kasoo qaatay xukun hore oo dil ah oo maxkamadda gobolka Banaadir iyo tan racfaanka ugu soo rideen , waxa ayna kiiska u gudbiyeen maxkamadda sare oo ah tan leh go’aanka ugu dambeeya ee kiiskan.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaana sheegay in maxkamadda sare ee dalka u cadaatay in Sayid-cali Macalin Faa’uud dil kas ah u geestay xaaskiisii Luul Cabdicasiis loona helay caddeemo rasmi ah.

Baasha Yuusuf ayaana sheegay in maxkamadda aysan aqbalin cabashadii Sayid-cali Macallin Daa’uud, waxa uuna shaaciyay in maxkamadda sare ku raacday xukunnadii dilka ahaa ee horey u rideen maxkamadda gobolka Banaadir iyo tan racfaanka.

Ehelada Marxuumad Luul Cabdicasiis ayaana soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda sare ee ku aadan xukunka dilka ah ee saakay mar kale lagu riday Sayid-cali, waxa ayna xuseen in rejo ka qabaan in sida ugu dhaqsiyaha badan xukunka maxkamadaha dalka loo fuliyo.

Kiiska dilka ee Sayid-cali Macalin Daa’uud u geestay xaaskiisii Luul Cabdicasiis ayaa soo jiitamayay muddo dhowr bil ah, waxaana kiiskan uu noqday mid saameyn badan abuuray si weyna looga hadal hayay bilihii lasoo dhaafay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Abiy Ahmed oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay dagaalka uu kula jiro TPLF

Caydiid Ali

Sirdoonka Somaliland oo raadinaya rag hubeysan oo taaageersan xisbiga Kulmiye

Cabdi Cade

War cusub oo ka farxiyay dadka Sacuudiga kasoo kordhay xaalada Boqor Salman

Cabdi Cade
Taboola Ads ---