Allbanaadir.com
NEWS

Lubnaan: Kumanaan qof oo dhimasho & dhaawac ku noqday Weerar

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku naf waayey In ka badan 3000 kalena way ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday aaladaha isgaarsiinta ururka Xisbullah, iyagoo adeegsanayay nidaam gaar ah oo isgaarsiin oo  loogu yeero “Pager-ka’.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira safiirka Iran u fadhiyay Lubnaan, Mojtaba Amani iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan Xisbullah

Weerarkan ayaa lagu qaaday nidaamka isgaarsiinta ee Xisbullah.

Israa’iil oo ah cidda weerarkan fulinaysa iyadoo adeegsanaysa nidaamkeeda sirdoonka gudaha Xisbullah, ma jiro sheegasho ka soo baxday oo ay ku sheegayaan inay weerarkan ka dambeeyaan

Weerarkan isgaarsiinta ah ayaa dadka waxyeelada ay ka soo gaartay waxay ku kala sugnaayeen aagga ay Xisbullah maamusho ee koonfurta  Beirut iyo deegaanno ku yaalla bariga iyo koonfurta Lubnaan iyo qeybo ka mid ah dalka Suuriya, wallow aan la xaqiijinta inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhacay gudaha Suuriya. Mar horaba waxaa lagu sheegay weerarkii ugu weynaa ee isgaarsiin oo ka dhacaya bariga dhexe.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay dad ay ku qarxayaan boorsooyinka telefoonnada iyo agabka kale lagu rito oo garabka ama dhexda lagu xirto.

Hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa dhowr bilood ka hor ugu baaqay saraakiisha iyo dagaalyahannada Xisbullah gaar ahaan kuwa ku sugan jiidda hore ee soohdinta koonfureed ee Lubnaan inay joojiyaan isticmaalka taleefoonnada casriga ah, sababtoo ah Israa’iil waxay haysataa tilnoolajiyad ay ku dhex gasho aaladahaas, markaa kaddib Xisbullah ayaa bilowday adeegsiga nidaamka pagers oo ah nidaam duug ah oo isgaarsiin oo farriimo lagu wadaago, waqtigii hore wuxuu ka mid ahaa isgaarsiinta ugu sarreysa ee sirdoonka iyo shaqaalaha dawladda, sababtoo ah waa nidaam aan ku xirneyn internet.

Qof khibrad u leh adeegsiga nidaamka aalada isgaarsiinta ee Pager-ka, ayaai sheegay inuu u shaqeeyo hab xaddidan oo labo qaab la dhiso, kuwaaso kala ah; farriimo laga jawaabi karo ama farriimo xiran oo marka la akhriyo hawada ka baxaya, inta badana marka laga soo tago hay’adaha sirdoonka nidaamkan waxaa adeegsada isbitaallada iyo kooxaha gurmadka deg deg ah, waxaana la sameeyay Pager-ka 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii, waxaana si ballaaran loo isticmaali jiray 1980-meeyadii illaa dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo horraantii 2000.

Qarnigii 21-aad kaddib, helitaanka baahsan ee talefannada gacanta iyo talefannada casriga ah ee leh awoodda fariimaha qoraalka ah ayaa si weyn u yareeyey isticmaalka pager-ka.

Xisbullah oo la kulmaysa khasaarihii ugu weynaa ee ka dhasha weerar aalada pager-ka, ayaa la sheegay inay adeegsigiisa bilowday saddexdii billood ee u dambeysay, waxay u muuqataa nidaamka xaddidan ee aaladan inay ku doorteen, si cad waxaa jirta gacan saddexaad oo u fududeysay inay Israa’iil heshay khadka gaarka ah ee pager-ka oo ay adeegsadaan Xisbullah.

Nidaamkan ayaa ku shaqeeyo baytariyada lithium-ka, kuwaaso haddii aad heshid hab aad ku gaari kartid inaad ku shidid kulayl xad dhaaf ah dhalin kara qarax.  Balse dhex-galkiisa ayaa hadda u muuqata in loo adeegsaday tignoolajiyad sare, sababtoo ah aaladan waa mid yar, xataa batarigeeda waa mid la mid ah midka ay ku shaqeeyaan raadiyaasha yaryar.

Weerar baaxadan leh oo isgaarsiinta lagu beegsado waxay u muuqata in looga hortagayay xaalad khatar ah oo ku soo socotay, sababtoo ah marka loo eego nidaamkan cusub ee isgaarsiinta Xisbullah ay billowday inay adeegsado tan iyo bishii June, wax faa’iido ah uma leh inay Israa’iil burburiso, maaddama haddii ay gaartay ahayd meel ay kala socon kartay dhaqdhaqaaqa Xisbullah, waxaa kalo laga arkaya inay leedahay Israa’iil wakiillo sirdoon oo awood u leh inay la socdaan nidaamka gudaha Xisbullah.

Ma jiro hadal ka soo baxay dhinaca Israa’iil iyadoo warbaahinta Israa’iil ay ku warrantay in saraakiisha laga mamnuucay inay ka falceliyaan weerarkan. Sidoo kale dhinaca Xisbullah war kama soo bixin, mana jirto cid xaqiijisay in weerarkan ay waxyeelo ka soo gaartay saraakiisha sare oo uu ku jiro karo hoggaamiyaha sare Xasan Nasrallah oo go’aamiyay in la adeegsado nidaamkan isgaarsiinta.

Weerarkana waxaa suragal ah xubnaha saldhigyada gododka dhulka hoose ku sugan haddii ay adeegsanayeen nidaamkan inay waxyeelada ugu daran iyaga soo gaartay taasoo khasaare ku ah Xisbullah.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaanna dadka ugu baaqday inay isbitaallada tagaan si ay dhiig u shubaan, maaddama weerarkan dhiig bax badan ay ka dhalatay.

Related posts

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Shaqaalaha Turkida

Cabdi Cade

Gabdhihii ugu horeeyay oo kamid noqday Haramcad oo tababar loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo casho sharaf u sameeyey Xildhibanada cusub ee Jubbaland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali