Allbanaadir.com
NEWS

Spain: Safiirkii u horeeyey Falastiin oo warqadaha laga gudoomay

Boqorka dalka Spain, Felipe VI ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirkii u horreeyay ee Falastiin u fadhin doona Madrid, kaddib markii Spain ay si rasmi u aqoonsatay bishii May dawladda Falastiin.

Munaasabad ka dhacday dhismaha boqortooyadda ayaa waraaqaha looga guddoomay , Danjire Housni Abdel Wahed oo ah saxafi hore, siyaasi iyo diblomaasi Falastiini ah.

Waa natiijo weyn oo wax ku ool ah marka loo eego dhinaca diblomaasiyadda, iyadoo hadda Falastiiniyiinta ay safaarad rasmi ah ku yeelanayaan dal ka tirsan Midowga Yurub iyo NATO oo iskaashiga ay la yeelanayaan uu gacan ka geysanayo inay ka helaan dabool diblomaasiyadeed oo caalami ah, taasoo ay uga mahadcelinayaan Boqortooyadda Spain oo si weyn u taageertay muddada uu socdo dagaalka Qasa.

28-kii Maajo, dawladdaha Spain, Ireland iyo Norway waxay aqoonsadeen dawladda Falastiin, waxaana talaabadaas ka carooday Israel oo u yeeratay safiiradii ka fadhiyey dalalkaas.

Related posts

Qarax Khasaaro xoogan gaarsiiyay dad isku aqoys ah oo ka dhacay magaalada Guriceel

Cabdi Cade

Dagaal iyo Duqeymo culus oo ka socda dalka Sudan xilli la gaaray Heshiis Xabbad joojin ah

Cabdi Cade

Guddiga DF u xilsaartay ka hortaga Cudurka COVID-19 oo digniin culus soo saaray

Caydiid Ali