Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqday halka uu ka socdo mashruuc weyn oo lagu dhisayo xarunta farsamada gacanta Galmudug oo meel wanaagsan maraya.
Mashruucan ayaa waxa uu ka koobnaan doonaa qaybo badan oo lagu baran doono farsamada gacanta iyo qeybihii ardaydu ku noolaan lahaayeen, iyadoo la rejeynayo inuu daboolo dhammaan baahiyaha la xariira farsamada gacanta.
Waxaa sidoo kale mashruucan noqon doonaa mid ay ka faa’idaysan doonaan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaannada uu ka arrimiyo Galmudug.
Deegaannada maamulka Galmudug waxaa ka socda mashaariic kala duwan oo wax badan u taraya dhallinyarada iyo dadka deegaankaasi, waxaana mashaariicdan fulinaya dowlafo iyo hay’ado kala duwan.