Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada amni ee deegaannada maamulka Hirshabelle la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka lugta.
Kulanka ayaa looga hadlay xoogiisa sidii haraadiga Al Shabaab looga soo af-jari lahaa inta u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar, halkaas oo ay ka geestaan weeraro gaadmo ah, sidoo kale waxa ay ku aasaan qaraxyo miino oo waxyeelo dhaliya.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in ay dedaal ugu jiraan sidii Al Shabaab looga sifeyn lahaa guud ahaan deegaannada Hirshabelle, waxa uuna sheegay in hadda la qorsheeyay in laga sifeeyo Al Shabaab inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad oo ay ka howlgalaan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka diyaar u yihiin soo afjarida kooxda Al Shabaab, waxa uuna si gaar ah u ballanqaaday in wax laga qaban doono xaalada amni inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.
Ciidanka xoogag dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, hasa ahaatee Al Shabaab ayaa wali ka howlgasha inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com